Madaxweynaha maamul goboleedka Shabelle State oo la doortay

 

Abuukar Cabdi Mardaadi oo loo doortay madaxweynaha Shabeelle State
Abuukar Cabdi Mardaadi oo loo doortay madaxweynaha Shabeelle State

Shir maanta ka dhacay deegaanka Calamada ee gobolka Shabeella Hoose ayaa lagu doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen uu yeesho maamul goboleedka Shabelle State.

In ka badan 500 ergo oo ka socotay Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ayaa madaxweynaha maamulka cusub u doortay Abuukar Cabdi Mardaadi oo ka soo jeeda gobolka Shabeelada hoose halka madaxweyne ku-xigeena loo loo doortay Muxidiin Xasan Afrax isagaba ka soo jeeda Shabeelaha Dhexe.

Wax doorasho ah kama dhicin goobta.

Madaxweynaha maamul goboleedka Shabelle State Abuukar Cabdi Mardaadi ayaa mar soo noqday wasiirkii gaashaandhiga ee xukuumadihii KMG ahaa ee Cumar Cabdirashiid sannadkii 2009.

Akhriste siddee uu aragtaa maamulka cusub ee Shabeelle State, ra’yigaaga qaybta hoose ku soo qor?

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here