Madaxweynaha: “Ma fashilmin siyaasadeena dhinaca amniga”

Madaxweynaha ayaa hadalkaasi ku sheegay ar uu ka jawaabayey Barnaamij ay soo qabanqaabisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaaadda VOA-da oo ay Dadweyne ku kala sugan Magaalladda Muqdisho iyo Magaalladda Saint Paul ee Gobalka Minnesota Su’aalo Toos ah ku weydiinayeen Madaxweynaha.

“Ma rumeysni inay Siyaasadeedanna dhinaca Ammaanka Fashilantay. Waxyaabaha ka dhaayo Muqdisho waxay ka dhacaan Paris Turkey iyo magaallooyin kale oo waa weyn oo ku yaalla Caalamka” ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi ku daray inay Dowladiisu sameeysay wax wanaagsan.

Madaxweynaha oo talada dalka hayo afartii sanno ee la soo dhaafay waxa uu ka jawaabay Su’aalaha ay weydiiyeen qaar ka mid ah Dhallinyarada ku sugan Muqdisho Qurba-joogta Soomaalida ku sugan Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka

Sidoo kale, Madaxweynaha waxaa wax lag weydiiyey sida uu Waddanka uga dhigi karo Nabad si ay Waalidiinta Soomaaliyeed iyo Carruurtooda ee Qurbaha ku nool booqasho ugu imaan lahaayeen Dalka Hooyo

Madaxweynaha isagoo ka jawaabayo Su’aashaasi oo uu soo weydiiyey Wiil deggan magaalladda Minneapolis oo lagu magaaabo Caydaruus Azmed C/raxamaan, waxa uu Madaxweynaha kaga jawaabay: “Inkastoo ay dalka soo wajahday Nabadgelyo-xumo iyo Dagaalka lagula jiro Argagixisadda waa ku soo laaban kartaa Muqdisho, wabana kuugua dhici doonaan”

Madaxweynaha waxaa kaloo wax laga weydiiyey Hankiisa Siyaasadda ee Doorashadda soo socota, wuxuuna sheegay inuu yahay Musharax Madaxweyne, wuxuuna soo halqabsaday Maahmaahda Soomaalida ee ahayd: “Xargo Habeen ninkii xiraa furi karo”

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia waxa bishan September 12-da u buuxsami doonta Sannadkiisa 4aad ee ka soo wareegtay markii uu ku guuleystay Doorashaddii Madaxweynenimadda Somalia oo ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka u codeeyeen bishii September 12-dii ee sannadkii 2012-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here