Madaxweynaha Kenya oo xilkii ka qaaday Wasiir Joseph Ole Lenku

Uhuru Kenyatta
Uhuru Kenyatta

M/weynaha dalka Kenya Uhhuru Kenyatta oo ka hadlay Tv,ga qaranka dalkiisa ayaa sheegay inaysan joojineyn dagaalka ay ciidamadiisa kula jiraan Xarakadda Al-Shabab waxaana uu xusay in weerarada dalkiisa ka dhaca aysan ku qasbayn taasi sida uu yiri.

M/weyne Kenyatta waxaa uu khudabadiisa ku sheegay in Al-Shabab ay wadankiisa ku qaadeen duulaan ka dhan ah dadka Kenya u dhashay waxaana uu intaa ku daray inay mar walba sii wadi doonaan dagaalka ay Al-Shabab kula jiraan.

“Argagixisada Al-Shabab waa ay sii wiiqmayaan weeraradaan noocaan oo kale ahna naguma qasbayaan inaan dib u laabano” ayuu yiri M/weynaha Kenya waxaana uu dadka wadankiisa ugu baaqay inay ciidamada la shaqeeyaan.

Maanta waxaan kulan la qaatay taliyaha guud ee booliska Keenya David Kimao oo ii soo gudbyay warqadiisa shaqo ka tagista waana ka aqbalay.

David waa nin in muddo ah wadanka ugu soo shaqeeyay aqoon iyo dadaal badan sidaa darteed aan uga faa’idaystee fursadaan waxaan David Kimayo uga mahad naqayaa waqtiga dheer ee uu qaranka usoo shaqeeyay.

Sidoo kale waxaan doonayaa inaan maanta ku dhawaaqo magacaabista Major Jen Joseph Nigaseero oo noqnaya wasiirka cusub ee arrimaha gudaha iyo xiriirka qaranka waxaana ka rajayayaa golaha baarlamaanka inay dedejiyaan ansixintiisa.

Waxaan ogahay inay culaysyo badan na haystaan laakiin waxaan idinka codsanayaa inaad ogaataan in waqtigaan uusan aheyn waqtigii uu cadawgu na cabsi galin lahaa.

Waxaan sidoo kale ka codanayaa dhamaan hogaamiyaasha diinta inaaanu isku duubnaano cadawgana iska celino.

Kani waa dagaal dagaalkana waxaa qasab ah inaanu ku guulaysano waxaana guushaas aanu gaari karnaa anaggo wada jira.

Xilliyadaan oo kale waa xilliga ay dadka Kenyanka ah ay wada jiri lahaayeen Kenyana difaaci lahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here