Madaxweynaha Kenya oo la kulmay jaaliyada Soomaalida Islii

Madaxweynaha Kenya oo la kulmay jaaliyada Soomaalida Islii
Madaxweynaha Kenya oo la kulmay jaaliyada Soomaalida Islii

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto, ayaa shalay gelinkii dambe madaxtooyadda Nairobi kulan kula yeeshay hoggaamiyayaal ka socda xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

Waxaa ay ka wada hadleen guud ahaan ammaanka dalka, gaar ahaan xaafadda Islii.

Yuusuf Xasan waa xildhibaan laga soo doorto deeganka Kaama Kunji wuxuu BBC-da u sheegay in kulankaas looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay dhibaatada lagu Soomaalida oo lacago baad ah laga qaato.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynaha ay u sheegeen in dadka Soomaalida ee ku nool xaafada Islii loola dhaqmo sidda xoolaha oo kale.

Wuxuu kaloo sheegay in markii madaxweynaha loo sheegay in uu aad uga carooday oo uu ballan qaaday in uu qaka qaban doono.

Xildhinbaan Yusuuf ayaa muujiyay in oldayaasha ku dhaqan xaafada Islii ay iska dhex doorteen guddiyo la shaqeeya dhallinyarada iyo hey’addaha ammaanka si looga fogaado falalka ammaan darida ee ka dhacay xaafada Islii oo ay ku badan tahay Soomaalida.

ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in bisha soo socota ay haddana la kulmi doonaan madaxweyne Kenyatta si wax la isaga weydiiyo wax yaabaha ay qabteen Soomaalida.

 

1 COMMENT

  1. Maalintii wuxuu sameeyaa kulamo loogugu talagaley in idaacadaha iyo tvyada aduunka la tuso in soomalida in aan dhibaato loogeysan Habeebkiina askarta xaafad xaafad in ay xaquuqaan oo ay xoolaha soomalida iyo gabdhaca in ay kufsadaan
    Qofkii rabo runta gumaadka iyo dulmiga soomalida lagu haaya 2 sanno ugu dambeysat dadkii xoolahooda la dhacay iyo gabdhihii la fara xumeeye waxaa socoto dacwad loo gudbiyey heyadaha sharciga iyo kuwa xuquuqu insaanka qaxootiga soomalida 23 sanno ayey joogeen wadankam hadaa maxaa loo gumaadayaa sheekada waa in ay kismaayo sii jooogaan waayo waxay wadaan dagaal dhinac walbo ah waxay rabaan in ay soomali weligeed dowlad yeelan waayo waxay ka taajireeen dhiiga iyo nafta soomaliga waxayba wadaan isku dir qabiilo waana riyo aan shaqeynneyn in haltaako oo soomaliya in ay ku raaxaystaan qaxooti waa qaxooti wuxuuna ku joogaa sharciga qaramada midoobey soomali hadii ay nabad noqoto dadkeeda iyadaa ku filan qaska laha joojiyo iyo marmarsiiyada mar walbo wax dhacaan masakiinta la wax yeelo nin aan heysan maalin wuxuu cuno maa awooda wax kale dhibka heystaa ku filan qof soomaliga meel walbo ku dhibaateysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here