Madaxweynaha Kenya “Al Shabaab Dagaal diimeed ayey Abuurayaan”

Golaha Muslimiinta dalka Kenya ayaa ka digay in la diimeeyo dhacdadii shalay koox hubeysan oo Al-Shabab ay ku dileen 28 ruux meel u dhaw magaalada Mandheera

Xog’hayaha guud ee golaha sare ee Muslimiinta Kenya Sh,Aadan Washuu oo ka hadlay magaaladaNairobi ayaa sheegay in weerarkii shalay dadka badan lagu dilay inuu ahaa duulaan lagu qaaday dadka Kenya oo dhan waxaana uu intaa ku daray in kooxda geysatay aysan Muslimiin aheyn.

Sh, Aadan waxaa uu xusay in diinta Islamku ay tahay diin nabadgalyo oo aan dhibaateyn qof musaafur ah oo aan waxba u geysan.

Dadka dalka Kenya ku nool ayuu wadaadkaan u sheegay in Muslimiinta iyo dadka aan Muslimiinta aheyn ee Kenya ay ka midaysan yihiin dhacdadii shalay sida uu yiri.

Sidoo kale war laga soo saaray xafiiska M/weynaha Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedka weerarkii Al-Shabab ee shalay uu ahaa in la is qabadsiiyo Muslimiinta iyo dadka aan Islamka aheyn ee Kenya wada dega.

Tan iyo sanadkii 2011 markaasoo ciidamada Kenya ay Soomaaliya soo galeen Al-Shabab waxay dalkaasi ku qaadeen 135 weerar oo galaaftay nolosha boqolaal ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here