Madaxweynaha Juventus oo xaqiijiyay ineey doonayaan J. Rodriguez

Maareeyaha guud ee kooxda heysata horyaalka Serie A ee Giuseppe Marotta, ayaa maanta cadeeyay ineey doonayaan saxiixa xidiga gadoodka ka ah keydka Real Madrid ee J. Rodriguez.

James Rodriguez ayaa isbuucaan bilawgiisi sheegay inuu isaga tagi karo kooxdiisa Real Madrid maadaama uusan waqti ciyaareed ku filan ku heysan kooxda  Zinedine Zidane wuxuuna dhaleceyn kala kulmay xidigaha ay isku kooxda yihiin qaarkood sida kabtan Sergio Ramos.

“Afar ama shan sano ka hor, ma aynaan ogolaan laheyn inaan bixino lacag lamid ah midii aan ku bixinay [Gonzalo] Higuain ama [Miralem] Pjanic, laakin haatan waan awoodnaa, awoodeena wey kordheysaa, waxaana shaqo layaab leh qabanaya Andrea Agnelli taasoo la macno ah inaan awoodno wax waliba”.
Si kasto, agaasimaha kooxda Juve ayaa meesha ka saaray iney xiiseynayaan  xidiga falagaada ah ee Draxler kaasoo loo diiday Juve 18 bilood ka hor.

“Waxay ay ku xiran tahay waxa aan ka sameyno suuqa, waxa ugu horeeya wuxuu noqon doonaan inaan ka fakarno isku dheylitirnaanta kooxda laakin Juve marwaliba waxay rabtaa kuwa ugu wanaagsan caalamka si aan u xoojino awooda yurub iyo caalamka” ayuu u sheegay La Gazzetta dello Sport markii la weydiyay xaalada James.

James, ayaa sidoo kale waxaa xiiseeynaya dhamaan kooxaha ugu waaweyn Horyaalka Ingiriiska sida labada Manchester, Arsenal iyo Chelsea.

W/D: Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here