Madaxweyne Xasan Sheekh iyo C/raxmaan Faroole Shir Jaraid kooda Dhegyso

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiiq Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xaruuunta maamulka Puntland halkaasi oo kulamo kula qaadanayaan mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Mudane Xasan Shiiq Maxamuud Maxamed dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu horkacayay Madaxweyne Faroole iyo boqolaal shacab ah kuwaas oo sitahay calanka Jamhuuriyada iyo sawirka Madaxweynaha.

Prof Xasan Shiiq Maxamuud ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qalabka sida kuwaas oo ku sugnaa gudaha garoonka Garoowe.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa loo soo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka halkaas oo ay kulan al baada u xiran yihiin kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha maamulka Puntland.

Kulanka kadib ayaa waxaa shir jaraa’id oo ay saxaafadda si wadajir ah ugu qabteen ugu horeyn ka hadlay Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in madaxweynaha Jamhuuriyadda uu booqdo deegaanada Puntland isagoona intaasi ku daray in uu tageerayo nidaamka Federaalka ah.

Dhageyso shir jaraa’id Madaxweyn Xasan Sheekh

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/04/xasnsheekh.mp3″]

Dhageyso shir Jaraa’id Faroole 

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/04/faroole.mp3″]

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameyeen shacabka ku nool Garoowe iyo maamulka Puntland waxa uuna xusay madaxweynu in dowladda ay ka go’an tahay in nidaamka Federaalka ah ay ku baahiso guud ahaan dalka.

Booqashadan uu maanta ku tagay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland madaxweynaha ayaa ah tii ugu horeysay oo uu ku tago qeybo ka mid ah degaanada Puntland, iyadoo madaxweynuhu horay u booqday gobolada Hiiraan iyo Baay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here