Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku dhawaaqay in garoonka Gaalkacyo loogu magac darro marxuum C/llaahi Yuusuf (Dhageyso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta ka qeyb galay aaska Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa garoonka diyaaraDdaha Gaalkacyo ugu magac daray madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf Axmed.

Munaasbadda Aaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka dhacday waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda qaranka, maamul gobolleedka Puntland, Ahlu sunna waljamaaca iyo boqolaal dadweyne ah, waxaana ugu horreyn halkaasi ka hadlay mudane C/raxmaan Faroole Madaxweynaha maamulka Puntland waxa uuna tilmaamay in C/llaahi Yuusuf uu ahaa aabaha maamulka Puntland, isla markaana uu horsed ka ahaa nabadda ka jirta Puntland.


Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wakiil ka socday culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo ugu duceeyay marxuumka in Allaah uu u naxariisto, isagoo muujiyay in marxuumka uu ahaa Ahlusunna.

Ugu dambeyn waxaa munaasabaddaasi soo gabagabeeyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sheegay in garoonka diyaaradaha gaalkacyo loogu magacdaray marxuum C/llaahi Yuusuf, isagoo ummadda Soomaliyeed mar kale ku boorriyay in ay iska cafiyaan walaalkooda isla markaana ay u duceeyaan.

RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGEYSATO CODKA MADAXWEYNE SHARIIF EE AASKA QARAN

RIIX HLKAAN SI AAD U DHAGEYSATO WAKIILKA ALU SUNNA

RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGETSATO HADDALKII MADAXWEYNAHA PUNTLAND

1 COMMENT

Comments are closed.