Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Madaxweynaha Jmahuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha oo goor dhow gaaray Muqdisho ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Pr. Jawaari , Ra’isul wasaaraha Dalka Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xubno isugu jira Xildhibaan , Wassiiro.

Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Wasiirka arimha Dibada Soomaaliya Wasiirka Gaashaandhiga iyo xildhibaan Faarax.

Wafdiga madaxweynaha ayaa maalmihii u dambeeyay dalka kaga maqnaa safaro dibada ah, waxaana uu safaradaasi ku tagay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya.

Wixii warar ah iyo sawiro kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here