Madaxweynaha Jabuuti oo ka qeyb galaya Shirka London

Madaxweynaha wadanka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geele, ayaa lagu marti qaaday shirka 7da Bishan May ka furmaya magaalada London, kaasoo lagu taageerayo doowlada Soomaaliya islamarkaasna dhaqaalo loogu aruurinaayo.

Wafdi uu Hogaaminayo madaxweynaha Jabuuti ayaa tagi doona magaalada London si kulankasi quseeya doowlada ay deriska yihiin kaga qayb galaan.

Wafdiga uu madaxweynaha Jabuuti horkici doono, ayaa waxaa qayb ka ah wasiirka arimaha dibadda Maxamuud Yuusuf,wasiirka Maaliyada Ilyaas Dawaale.

Ismaaciil Cumar Geele, oo ka hadlayay sida uu arko shirka London, ayaa waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay soo martay xiliyo adag, lakaiin hada la joogo waqtigii ay horumarka samayn lahayd islamarkaasna ay wax ula weybsan lahayd doowladaha Caalamka.

Jabuuti, waxa ay kamid tahay doowladaha dersika la ah Soomaaliya, sidoo kale waxay ciidamo usoo dirtay gudaha wadanka Soomaaliya kuwasoo qayb ka ah howlgalka Ciidamada midowga Afrika ee AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. ismaciil waa nin danaysta ah aa raali ka ahayn dowladnimada somaliya waa la fahmay sheekadiisa mar dambe jabuuti nima siri doonto. raali ahaw oday cumar

Leave a Reply to yacquub Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here