Madaxweynaha iyo Wafdigii uu hogaaminayay oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay, ayaa maanya duhurtii dalka dib ugu soo laabtay kadib Safaro ay kusoo kala bixiyeen wadamada Kenya iyo Uganda.

Wafdiga madaxweynaha lasocday ayaa waxaa kamid ahaa, Raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimaha dibada, wasiirka gaashdhiga iyo xubno kale.

“Safaradii aan kusoo kala bixinay Kenya iyo Uganda, waxay ahaayeen kuwo kusoo dhamaaday guul” ayuu madaxweynaha usheegay Saxaafada markii uu garoonka Aadan Adde kasoo dagay.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in madaxda Dowladda Kenya uu kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii  loo Horumarinlahaa cilaaqaadkii ka dhaxeeyay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Xasan Shiikh, iyo Wafdiga uu hogaaminayay ayaa waxay safari qaatay 3 maalin kusoo kala bixiyeen wadamada Kenya iyo Uganda, waxaana la filaa in maalmaha soo aadan ay Baarlamaanka u faahfaahiyaan waxyaabihii ay dalalkaas kala soo hadleen iyo qodobadii ay kusoo heshiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here