Madaxweynaha: ‘Iyadoo xabada Shabaab dariishadeyda kusoo dhaceyso ayaan ku rajo weynaa in ciidankeenu guuleysan doonaan weyna guuleysteen’

Madaxweynaha Dowlada KMG Shariif Sheekh Axmed ku sifeeyey xaalada wanaagsan ee uu haatan dalka ku socdo mid ay keeneen ciidanka milatariga Soomaaliya.

Hadal uu shalay ka jeediyey munaasabad tababar loogu soo xirayey askar cusub oo ka tirsan ciidamada dowlada ayuu ka sheegay in uu mar walbo rajo ka qabay in ciidanka dowlada ay ka guuleysan doonaan Al Shabaab mudadi ay Muqdisho qeyb weyn ka heysteen Shabaabka.

Madaxweynaha ayaa tusaale usoo qaatay in iyada oo ay daaqada gurigiisa xabado ay soo tuureen Al Shabaab kusoo dhacayeen uu rajo ka qabay in ciidanka Milatariga ka guuleysan doonaan Muqdisho ka riixi doonaan sida uu yiri, iminkana uu ku kalsoonyahay in dalka oo dhan ay ka saari doonaan Al Shabaab.

Isaga oo dardaaran, amaanid iyo dhiir gelinba siinayey ayuu madaxweyne Shariif u sheegay ciidanka cusub in dowlada ay il gaar ah ku eegi doonto.

“Waxaan shaki iiga jirin in mar dhaw aad noqon doontaan ciidamo aqlaaq wanaagsan leh oo ka qeybqaata xasilinta dalkeena, ayada oo aanan wax rajo ah jirin xabada Al Shabaabna ay dariishdeyda kusoo dhaareyso ayaan ku rajao weynaa in ciidankeenu guuleysanayaan marka maantta oo ay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada xoroobeen waxaan u maleynayaa in qof kasto oo caaqil ah uu garan karo in ciidankayagu ka guuleysanayaan Al Shabaab iyaga oo kaashanaya walaalheen Amisom, isheena waxay ku jeedaa ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed,”

Ciidamada milatariga dowlada KMG Soomaaliya ayaa dagaaladi ay dhawaan laga galeen uga guulestay Al Shabaab.

Ciidanka tababarka loo soo gaba gabeeyey oo gaarayey ku dhawaad 1,000 askari ayaa noqonaya kuwi ugu danbeeyey ee lagu tababaro gudaha magaalada Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.