Madaxweynaha HirShabeelle oo Muqdisho laga sugayo

cosobleWafdi uu hogaaminayao Madaxweynaha la doortay ee dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa markii ugu horaysay maanta ka amba baxay Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedkaasi isagoo ku wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, Halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxda Qaranka,Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya iyo qeybaha Bulshada.

Madaxweyne Cali CAbdulaahi Cosoble wafdigiisu waxaa qayb ka ah aqoon yahanno iyo xildhibaanno dowlad goboleedka HirShabeelle ka tirsan waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar ku sagootiyay Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Maanta markii ugu horeysay ayaan ka amba baxayaa Jowhar waxan ku wajahanahay caasiamda dalka, halkaasi waxaan kula kulmi doona beesha caalaka waxaan kale oo la tashi la sameyn doono bulshada labada gobol, waxaa bilowday halgankii hergalinta dowlad goboleedka.”

Madaxweynaha HirShabeelle Mudane Cali Cosoble oo warbaahinta qaranka kula hadlay garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa tilmaamy inuu u bilowday Halgan la xiriira Hirgalinta Dowladnimada HirShabeelle ayna la tashiyo Ballaaran samayn doonaan.

Isniitii la soo dhaafay ayaa lagu Doortay Jowhar Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka HirShabele, waxaana ay durba bilaabeen dadaallada taaba galinta dowlad goboleedka curdunka ah ee HirShabeellle.

Xigasho: Sonna

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here