Madaxweyne Geelle: Soomaaliyana waxaan u aadnay in aan nabadgalyada wax ka tarno

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marki ugu horeysay ka hadlay ciidamada ay dowladiisa usoo dirtay dalka Soomaaliya.

Jabuuti ayaa todobaadki hore kasoo dajisay magaalada Muqdisho 200 oo askari oo hor dhac u ahaa ciidamo gaaraya 900 oo ku biiraya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya.

Wareysi uu siiyey BBC-da isaga oo ku sugan magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayuu Mr Geele ku sheegay in imaanshiyaha ciidamada Jabuuti ee Soomaaliya ku timid dalab mudo isa soo tarayey oo uga imaanayey Midowga Afica iyo Qaramada Midoobay iyo sidi ay dadka Soomaaliyeed uga caawin lahaayeen xaga amaanka maadaama ay laba jeer shir ugu qabteen Jabuuti.

“Arinkaasi wuxuu ahaa baryahan mid socday, dalab isa soo tarayey oo AU iyo UN na weydiinayeen in aan ciidan ku darno, anaga itaal badan ma heyno baan dhahnay laakin wixi ciidan aan ku dari karno ku darno, ciidankaasi waxaa noo dheer in aan tababarka ciidanka Soomaaliyeed in aan qeyb ka qaadano, ciidankaan 900-ka ee nin, 250 waxay hoowshoodu tahay tababarka in ay ku caawiyaan Soomaalida,” ayuu yiri.

Mar wax laga weydiyey hanjabaada ay Al Shabab u dirtay ciidankooda iyo sida uu u arko ayuu sheegay in askarta Jabuuti hadii ay xitaa joogaan dalkooda uusan moogaaneyn wadka isla markaana askariga uu yahay qof xabad u joog ah sidaasi daraadeedna aysan ka baqeyn Soomaaliya, waxa kale oo uu sheegay in ay iska celin doonaan cidi ka hor timaado.

“Horta Jabuuti iyaga oo jooga wadka wuu ugu imaanayaa kuma deynayo askari shaqadiisa waa inuu dhinto, hanjabaada iyo rasaas iyo waxba uma arakno waa wax shaqadeena ah waana garaneynaa dhibaatada meesha taala, dee waajibkeenana waxa weeye in aan nabad galyada Soomaaliya wax ka tarno, kuwa nabada diidan ee nala dagaalamayana waan iska dhicineynaa,” ayuu yiri madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa ku eedeeyey beesha caalamka in ay iska indha tireyso baaqyo uu dhowr jeer u jeediyey oo aheyd in la dhiso ciidanka Soomaaliyeed si ay meel u saaraan burcad badeeda, laakin hada ay Jabuuti ku dadaali doonto sidi ay tababaro u siin lahaayeen ciidamada Soomaaliya inta ay awoodaan.

“Maanta waa aaminsanahay shalayna waa aaminsanaa laakin xaaladaha aduunka ayaa ku kala duwan, aduunyada waan u sheegay in ciidanka bada Soomaalida aan dhisno inti qarash lagu bixin lahaa dalal shisheeye caalami ah, taariikhda aduunka waligeed lama sheegin burcad badeed gudaha bada loogaga adkaaday, waxa loogaga badin karo waa in bariga wax loogaga qabt, marka masuuroobeyso ilaa iyo in ciidanka Soomaaliya laga qalabeeyo oo laga taageero,” ayuu yiri.

Ugu danbeynt waxa la weydiiyey xalka Soomaaliya ma kula tahay inuu ku jiro xal siyaasad iyo mid milatari.

“Xalka Soomaaliya wuxuu ku jiraa siyaasad iyo xal millatari labaduba waa aaminsanahay, anaga waxaan raadineynaa qofki Soomaali isu keeni lahaa, aduunka dhibkaan wuxuu soo maray marka waa la daba qabtay,” ayuu hadalkiisi kusoo gaba gabeeyey madaxweynaha Jabuuti.

Jabuuti oo ah dal daris la ah Soomaaliya isla markaana isku dhaqan, luqad iyo diinba ay wadaagaan ayaa hada ciidamo usoo dirtay Soomaaliya kuwaasi oo ay dadka Soomaaliyeed si weyn usoo dhaweeyeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.