Madaxweynaha Galmudug oo la kala diray golaha wasiirradiisa

Madaxweynaha Galmudug oo la kala diray golaha wasiirradiisa
Madaxweynaha Galmudug oo la kala diray golaha wasiirradiisaynaha

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa maanta kala diray golaha wasiiiradiisa, kaddib markii sida uu sheegay ay gudan waayeen howshii loo igmaday.

Cabdi Qeybdiid oo wariyeyaasha la hadlay maanta ayaa sheegay in kala diridda golaha wasiirrada loo cuskaday qodobbo ku qoran dastuurka maamulka Galmudug, isla markaana ay habacsanaan ku timid howshii laga rabay.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu muddo 30 cisho ah uu ku soo dhisi doono xukuumad cusub oo ay Galmudug yeelato, si loo dardar-geliyo howlaha maamulka.

Wuxuu sheegay in uu soo dhiso doono gole wasiiro ah oo ka firfircoon kuwii horre.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here