Madaxweynaha Galmudug oo ku eedeeyey xafiiska madaxweynaha Soomaaliya inuu qasayo xaalada siyaasadeed ee gobolka Mudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa ku eedeeyey madaxwenaha Soomaaliya inuu qasayo xaaladaha siyaasadeed ee gobolka Mudug.

Mr Caalin oo shalay gelinki danbe shir jaraa’is ku qabtay magaalada Gaalkaco ayaa sheegay in ay ka war hayaan in xafiiska madaxweynaha uu horay ugu lug lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee dhex yaala baarlamaanka Galmudug iyo isaga qudhiisa Caalin, dagaalki ka dhacay Caabudwaaq, shirki magaalada Cadaado, iyo dhacdooyin kale oo ka dhacay gobolada Mudug iyo Galguduud.

Wuxuu ka digay Maxamed Axmed Caalin maamul goboleed uu sheegay in madaxweyne Shariif uu u ogolaaday in dad kasoo jeeda Mudug ay ka dhisaan degmada Hobyo ee gobolkaasi oo haatan hoos tagta Galmudug.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay madaxtooyada oo loogaga jawaabay eedeymaha kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Galmudug.

Galmuudg ayaanan wali ka baxin qalalaaso siyaasadeed oo dhexdeeda ah, kadib marki ay baarlamaanka xilka ka qaadeen madaxweyne Caalin, iyo Mr Caalin oo kala diray baarlamaanka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.