Madaxweynaha Galmudug oo kasoo horjeestay in garoonka Gaalkacyo loogu magac daro C/laahi Yusuf Axmed

Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa gaashaanka u daruuray go,aanki uu madaxweynaha Soomaaliya Sharif Sheekh axmed uu ugu magac daray garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo madaxweynihi hore ee Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed.

War uu siiyey Radio Shabelle isaga oo ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa Mr Caalin ku sheegay in madaxweyne Sharif xaq u laheyn in uu magacaabo garoonka magaalada Gaalkacyo.

“Madaxweyne Sharif arinta uu sameeyey ee ah magacaabista garoonka Gaalkacyo waa wax xaq darra ah, waxaan leeyahay oo aanba dhihi karaa waxa uu madaxweyne Sharif doonayaa inuu iska hor keeno maamulada Galmudug iyo Puntland,” ayuu yiri.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa kusoo beegmay xilli maanta madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya uu Koonfurta Gaalkacyo kaga qeybgalay munaasabad ay soo qaban qaabisay maamulka Galmudug.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.