Madaxweynaha Galmudug C/Qeybdiid Oo Shacabka Ugu Baaqay in ey ka Baxaan Xaruumaha Dowlada.

Madaxweynaha Galmudug Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid ayaa shacabka reer Galkacyo ugu digay in ay ka baxaan goobaha ay leedahay Dowladda, isagoo tilmaamay in wixii ahadda ka danbeya aan la Arki Karin dhismo dowladeed oo ay deganyihiin Shacabka.

Mr Qeybdiid ayaa sheegay in dowladii dhexe ee dalka ay dhistay xaruumo waa weyn kuwaas o ey ugu tala gashay in ey ugu adeegto shacabka waxuuna sheegay in loo baahnayahay in xaruumahaas laga baxo si umada loogu shaqeeyo.

Baaq uu u jeediyay madaxweynaha dadka Shacabka ah ee reer Gaalkacyo ayuu u sheegay in aysan ku qasbin in ay awood u adeegasan oo ay is tartiib ah uga baxaan Goobaha Dowladu Leedahay.

Sikastaba Madaxweyhe Qeybdiid ayaa waxaa uu u anbabaxay dalka Ethiopia isagoo halkaas kulamo kula qaadan doona madaxda dowlada Ethiopia waxaana uu sidoo kale ka qeyb geli doonaa aaska Resal Wasaarihii hore ee geeriyooday Melez Zenawi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here