Madaxweynaha Faransiiska oo Ballan qaaday Usameeyey Dawlada Somaliya

10408653_10204708743697155_8573196633310630654_n

Madaxweynaha dalka Faransiiska Francois Hollande oo magaalada Paris kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh, Max’ud ayaa sheegay inay tababaro dheeraad ah siin doonaan ciidamada dawlada Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan sugida amaanka dalka oo dhan.

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku waramaysa in Madaxweyne Francois Hollande oo kulan saacado badan qaatay la yeeshay Madaxwaynaha Soomaaliya inuu u balan qaaday in saraakiil Faransiis ah ay tababar siin doonaan ciidamada Soomaaliya oo ay ka caawin doonaan sugida amaanka dalka sida lagu yiri war kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Faransiiska.

Madaxweyne Hollande waxaa uu sidoo kale sheegay in xukuumadiisa ay qaadayso tilaabooyinb hor leh oo ay dawlada Soomaaliya kaga caawinayso tayaynta ciidamada.

“Madaxweynaha waxaa uu soo dhaweynayaa guulaha ay ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM ka  gaareen dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Al-Shabab gaar ahaan ka saaristii ay ka saareen degmada Baraawe.

Sidoo kale Madaxweynaha Faransiiska waxaa uu sheegay inay kordhinayaan taageerada dhaqaale ee ay siiyaan ciidamada Midawga Africa ee Soomaaliya jooga ee AMISOM la yiraahdo dagaal kula jira Xarakadda Al-Shabab

Hollande waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in dawlada Soomaaliya ay qaado tilaabooyin lagu xasilinayo amaanka goobaha Al-Shabab laga saaro dadkana la gaarsiiyo gar gaarka bini’aadanimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here