Madaxweynaha Dalka Soomaaliya oo Maanta dalka Dibadiisa u ambabaxay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishio isagoona ku sii jeeda safar dalka dibadiisa ah.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkiisa dibada waxa uu ku wajahan yahay dalal dhowr oo africa ka tirsan sida Itoobiya Kenya iyo Jabuti halkaasi uu kula kulmayo Mas’uuliyiinta dalalkaasi.

Sida warar hordhac ah aanu ku helayno Madaxweynaha ayaa safarkiisa ugu horeeyo waxa uu ku tagayaa Dalka Jabuti gaar ahaan Caasimada Jabuti.

Madaxweynaha dalka Sooaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya safarkaan uu ku doonayo in uu ku tago dalalkaan Itoobiya kenya iyo Jabuti safaradii ugu horeeyay uu madaxweynaha ku tago dalalkaasi tan iyo markii loo doortay Madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Waxaana Safarkiisa ku wehliya Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here