Madaxweynaha Dalka oo Gaaray Magaalada Baydhabo

booqashada-baydhabo-2

Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu barqadnimadii gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay halkaasi oo shir ballaaran maanta lagu wado inuu ka furmo.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Baydhabo u tegay sidii uu ufuri lahaa shirka lagu soo dhisayo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban Seddexda Gobol Shabellaha Hoose,Bay iyo Bakool.

Hore Baydhabo waxa ugu sugnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari kaasi oo si qoto dheer ula socda hanaanka shirka iyo qaabka loo soo dooranayo maamulka Seddexda Gobol Hogaankiisa Cusub.

Siyaad Shiikh Daahir oo ah Afhayeenka Gudiga Maamul u sameeynta Gobolada Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose ayaa sheegay in maanta si rasmi ah loo furi doono shirkii lagu soo dhisayo Seddexda Gobol Maamulkii Hogaamin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here