Madaxweynaha Dalka Kenya oo Dhambaal Usoo Diray Madaxweynaha Soomaliya

Madaxweynaha dalka Kenya Mwaki Kbaki ayaa hanbalyo u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Raysal wasaaraha Soomaaliya dadka shacabka Soomaaliyeed ee ay matalayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya,isagoona ugu hanbalyeeyay guusha Taariikhiga ah ee ay gaareen taasi uu ku tilmaamay inay tahay dhaarintii Golaha wasiirada ee dhawaan la soo magacaabay.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in dhaarinta Golaha wasiirada Soomaaliya ay dowlada wadanka Kenya ay u tahay fursad ay dowlada cusub ay kula bilaabaneyso in sidii labada dowladooda ay iskaga kaashan lahaayeen horumarka iyo dib u dhiska wadanka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in hormar dhan waliba laga dheehan karo Muqdisho oo ah hooyada Soomaaliya,isagoona dhanka kale sheegay in mardhaw ay dalka oo dhan uu israaci doono sida uu hadalka u dhigay Mr Kibaki.

Dowlada Kenya ayaa garab istaagsan dowlada Soomaaliya iyadoona ka caawineysa dagaalada ay kula jirto Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha dalka Kenya Kibaki ayaa ku celceliyay in sii kordhin doono taageerida ay siinayaan dowlada Soomaaliya si ay kaga gudubto caqabadaha horyaal.

Hadalkaan Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan la dhaariyay Golaha wasiirada cusub ee dhawaan u soo magacaabay Mr Saacid.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here