Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyey warki Sam Ongere ee Sheekh Sharif

Kadib markii shalay Dowladda Kenya ay qaraxii uu ka badbaaday Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ku eedaysay Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa arrintaasi isla maanta ka hadlay isla markaana been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in wax aan wanaagsaneen ay tahay in eedeentaas loo soojeediyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya waxaana uu intaa raaciyay in ay Xiriir lasameeyeen qaar katirsan Madaxda dowladda Kenya waxaana uu cadeeyay in uu hadalkaas uu ahaa mid qaldan loona baahanyahay in ay kabixiyaan raali galin sida uu sheegay.

Waxaana uu si caraleh u yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh waa in ay cadeeyaan warkii ay shaaciyeen warbaahinta Kenya waxaana uu intaa raaciyay hadalkiisa in Shariif Shiikh Axmed uu yahay ruux Madaxweyne kanooqday Dalka Islamarkaana uu kamudan yahay Xushmad sida uu sheegay ayna in arintaas ay tahay mid sharaf dhac ah oo Shariif Shiikh Axmed ay meel kaga dhacayaan

Mar ay warbaahinta wax kaweydiisay waqtiga uu soomagacaabayo Ra,isalwasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in haatan uu haysto waqti badan kaas oo uu kusoo magacaabi karo Ra,isalwasaaraha Soomaaliya.

Sikastaba maanta gelinkii hore ayey ahayd markii Madaxweynahii hore ee Dowladda KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed uu isna been abuur ku tilmaamay eedaynta ugu timi Dowladda Kenya ee ku aadan in isagu ka dambeeyey qaraxii uu ka badbaaday Madaxweynaha cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here