Madaxweynaha: Ciidamada mushaar waa qaataan

newdealMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada xooga dalka ee ku saabsan xaga mushaaraadka iyo boqolaalkii askari ee dhowaan laga ruqseeyay shaqada ciidannimo.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo arrinta ka hadlay waxaa uu beeniyey in ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku shaqeeyaan lacag la’aan.

Waxaa uu si caro leh madaxweynaha u sheegay in wararka sheegaya ciidamadu inaysan wax mishar ah dowladda ka helin inay yihiin warar barobagaando ah oo laga faafiyay ciidanka.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya inay jiri karaan bil iyo wax lamid ah inay soo daahaan mushaarka ciidanka, balse gabi ahaanba aysan jirin ciidan aan mushaar qaadan oo Dowladda Soomaaliya ushaqeeya.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday madaxweynuhu ciidankii dhawaan shaqada laga eryay oo taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ka saaray ciidanmadii, waxaana uu sheegay in ciidanka noocaasi ay yihiin kuwa aan dowladda ka tirsaneyn.

Xassan Sheekh,waxaa uu  tilmaamay in 709 askari shaqadii laga ruqseeyay, ayna ahaayeen kuwa aan shaqo hayn, wuxuuna sheegay in Hay’adaha ammaanka Dowladda aysan aheyn Hay’ado samafal balse ay yihiin kuwa udhimanaya dalka iyo dadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here