Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain, war murtiyeedka ay jeediyeen

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa goor dhow saxaafadda ka horjeedin doona war murtiyeedka Shirka London.

Shirka oo saaka subaxnimadii furmay, ayaa waxaa qudbado ka soo jeediyay Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron iyo madaxwaynaha Soomaaliya.
Madaxda gobolka oo dhan ayaa hadalo ka jeediyay furitaankii shirka.
Ergooyin ka socda in ka badan konton dal iyo ururo caalami ah ayaa ka qaybgalaya shirka.

Ra’iisul wasaare David Cameron, ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay horumar ka samaysay dhinaca Daah-furnaanta iyo xisaabtanka.
Si looga hortago buu yiri, ra’iisul wasaare David Cameron, barkac ballaaran iyo dhoofinta argagixisada.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in la taageero, loo baahan yahay caawinaad iyo maalgalin iyo in laga ilaaliyo kuwa isku dayaya ayuu yiri in ay na burburiyaan.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Somalia kala meel dhigay geed uu ka beeray gudaha Villa Soomaaliya oo u baahan in waraabiyo, oo la quudiyo isla markaana laga ilaaliyo xoolaha.
Madaxwaynaha ayaa xusay in Soomaaliya ay dalbanaynso waxqabad hagar la’aan ah, iskaashi iyo taageero.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in xasiloonida Soomaaliya ay hadda muhiim ugu tahay mustaqbalka dalka, amniga gobolka iyo dunida inteeda kale iyo sidii burcad-badeednimada looga xorayn lahaa goobaha ay ku xoog badan yihiin ee Gacanka cadmeed.

Dibadbaxayaasha oo isku darka gaaraya ilaa 300 oo qof ayaa kala mataya mucaaradka Djibouti, Khatumo State iyo taageerayaasha shirka maamul u samaynta Kismaayo.

Arrimaha shirkan diiradda lagu saarayo waxaa ugu weyn sidii taageero dhaqaale loogu heli lahaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si wax uga qabto dhibaatooyinka xagga ammaanka, dhaqaalaha, caddaaladda.

Waxaa lagu wadaa in taageero niyadeed iyo mid dhaqaale loogu helo dowladda Soomaaliya loogu helo si ay wax uga qabato arrimaha amniga, cadaaladda, isla markaana u hesho dhaqaale.

Hadaba Yaboohyada dhanka dhaqaalaha ah ee shirka laga muujiyey ayaa kala ah:-

Midowga Yurub 44 Million Euro oo lacagta Yurub ah waxaana lacagtaasi loogu talagalay hormarinta dhinacyada ammaanka iyo cadaalladda.

75Million $ dowladda Denmark dhinacyada hormarinta cadaalladda.

Dowladda Mareykanka 40 Million $ oo doolarka Mareykanka.

Turkiga 10 Million $ oo dollar dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Qatar 18 Million $ oo dollar.

Dhammaan yaboohyadan waxey hordhac u yihiin yabooh dhaqaale oo ay caalamku wadajir ugu taageeri doonaan hormarinta dib u dhiska Soomaaliya ayadoo taageradaasi inteeda badan la filayo in caalamku ay ku muujiyaan shir bisha September ee sanadkan ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Hadaba warmurtiyeedka kasoo bixi doona gebagebada shirka oo warbaahinta si hordhac ah u helay ayaa qodabada ku xusay waxaa ka mid ah:-

Bogaadin loo jeediyey Guullaha siyaasadeed ee dowladdu gaartay dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka oo ay ugu horeeyaan ka gudbidii KMGka iyo doorashooyinkii dalka ka dhacay.

In Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb qaataan.

Dhameystirka Dastuurka qabyada

La dagaalanka Bucadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka

In dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso 2016doorasho

Soo dhaweynta wadahadallada DFS iyo Somaliland

Hirgelinta Federaalka oo si wadajir ah loo taageeray sida ay dowladdu u wado.

In la siiyo Dowladda taageerro dhaqaale oo caalami ay ayadoo la sameynayo sanduuq ay wax ku wada ridaan bankiga aduunka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka deeqaha bixiya.

Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha ee shirkaasi ka qeybgalay ayaa wareysi uu siiyey idaacadda codka Mareykanka ee VOA ayaa ka hadlay sameynta qodobka la xiriira sanduuq dhaqaale oo Soomaaliya lagu taageerayo waxaana qodobkaasi uu wasiirku ku tilmaamay mid muhiimadiisa leh.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here