Madaxda Urur goboleedka IGAD oo saakay shir uga furmaya Addis-Ababa

Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa in magaalada Addis-Ababa uu ka furmo kulan hordhac ah oo ay yeelanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD, waxaana kulankaan qaadan doona wasiirada arimaha dibadaha doowladaha ku bahoobay Ururkaas.

Hadafka Kulankaan ayaa sida la sheegay waxa uu yahay mid layskula soo hadal qaadi doono arimaha Jubooyinka, waxaana kulankaan goob joog u noqon doona gudigii xaqiiqo raadinta ahaa ee Urur goboleedka IGAD ay u xilsaareen ineey kasoo warbixiyaan xaalada ka taagan Jubooyinka.

Gudigaan farsamo ayaa lagu wadaa ineey maanta hordhigaan,lagana dhagaysan doono waxyaabihii ay kasoo aruuriyeen dhinacyada isku haya siyasada Jubooyinka, iyo kulamadii ay la qaateen dadka rayidka ah eek u sugan magaalada Kismaayo.

Kulanka manta u furmaya madaxda IGAD, ayaa lagu wadaa in si weyn loogu gorfeeyo xaalada siyaasadeed ee ka taagan Kismaayo, taasoo hadii ay faraha kabaxdo saameyn amni ku yeelan doonta doowladaha jaarka la ah Soomaaliya sida Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyata iyo madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa lagu wadaa iney labadooda si gaar uga wada hadlaan Xaalada Jubooyinka.

Kenya Ciidamo ayaa kaga sugan gudaha magaalada Kismayo, kuwaasoo hoostaga taliska AMISOM, in kastoo AMISOM horay ay u sheegtay ineeysan siyasada Jubooyinka faraha la gali doonin, hadana waxaa jira walaaca doowlada Kenya ay ka qabto in markale ay suurtagal tahay in Kismaayo ay gacanta u gasho Al-shabaab.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here