Madaxda ugu sareysa DF & wakiilada Beesha Caalamka oo shir xasaasi ah wada qaatay

Madaxweynaha Doowlada Federaalka, Ra’iisulwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka, ayaa shalay shir xasaasi ah ku yeeshay aqalka Madaxtooyada (Villa-somalia).

Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya, safriirka uk, kan midowga Afrika, Sweden iyo safiiro kale ayaa shalay la kulmay Madaxweyne Xasan Shiikh, Ra’iisulwasaare Sharma’arke iyo Jawaari.

Haweeneyda danjiraha UK u fadhisa Muqdisho, ayaa Boggeeda Twitterka soo dhigtay, ayaa sheegtay in qodobka kaliya ay madaxda Soomaaliya kala hadleen uu ahaa arimaha doorashad.

 

 

Michael Keating, oo ah wakiilka QM, ayaa isna sheegay ineey madaxda Soomaalida kala hadleen arinta doorashada iyo maamul u sameynta Hiiraan & Shabeelaha Dhexe oo ay isku khilaafsanyihiin madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

 

Kulanka wakiilada Beesha Caalamka iyo madaxda Doowlada Soomaaliya, ayaa imaanaya xili laga cabsi qabo in markii 3-aad ay dib u dhacdo Doorashada Soomaaliya 2016, kadib markii maamulada dalka kajira, ay xiligii loogu tala galay soo gudbin waayeen xubnaha uga mid noqonaya golaha aqalka sare ee Baarlamanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here