Madaxda soomaalida oo loo sheegay in ay ka haystaan fursad kana faa’ideystaan.

Madaxda caalamka ayaa ugu baaqday Soomaalida inay ka faa’ideystaan fursadan ayna dib u dhis ku sameeyaan dalkooda kulan loogaga hadlayay mustaqbalka Soomaalida oo ka dhacay magaalada London.

R/wasaaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in la soo afjaro argagaxisada iyo burcad badeeda inay tahay qof walba danihiisa.

Hillary Clinton  ay sheegtay in qorsaha lagu dooranayo hogaamiyaal cusub isla markaana la dhaqangelinayo dastuur cusub kahor bisha August ay tahay mid ay aad u danaynayaan.

Hase yeeshee bay tiri lagama yeeli doono in waqtiga loo kordhiyo xukuumada ku meelgaarka ah.

R/wasaaraha Ingiriiska Mr Cameron ayaa u sheegay hogaamiyaasha shirka ka soo qeybgalay oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha  Nigeria  Goodluck Jonathan, R/wasaaraha Ethiopia  Meles Zenawi iyo Ban Ki-moon in dunida ay qiime badan ku bixin doonto haddii aan si degdeg ah wax loogaga qabin arrimaha dalka Somalia.

“Wadan ay weli jiraan rajo yar, ayna ka dhex jiraan isdhexyaac, dagaalo, argagaxiso  iyo burcad badeed xiraya wadooyinka ganacsiga isla markaana afduubaya dadka dalxiisayaasha ah ,”ayuu sheegay Cameron.

“Maskax dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu sumeeyey asal raacnimo, in lagu barbaariyo argagaxisino taasoo aan halis ku ahayn oo qura Soomaaliyao  balse adduunka oo dhan. Haddii aan iska fariisino oo aan iska eegano waan ka qoomamayn doonaa.”ayuu si cad u yiri R/wasaaraha Britain.

Qudbad uu jeediyey Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa ku baaqay in la soo afjaro cunoqabataynta hubka ee saaran Somaliya waxana uu xusay in ay dadka Soomaaliyeed ay nabad raadinayaan kana baqayaan waqtiga soo socda.

Hogaamiyaha Uganda Yoweri Museveni oo ciidamada ugu badan ee ay ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa u sheegay shirkan in xalka Soomaaliya uu ku jiro xalka Afrika oo idil.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Mrs Clinton ayaa sheegtay inaysan marnaba dowlada Maraykanka aysan wax wadahadalo la yeelan doonin ururka Alshabaab, balse waxa ay ku tilmaantay xaalada dalka Soomaaliya inay marayso heer horumar ah.

Shirka oo qudbadihii  ay soo dhamaadeen ayaa waxaa mar dhow la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed iyadoo shir jaraa’id ay si wadajir ah u qaban doonaan R/wasaaraha Britain,xoghayaha Q.m,Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka iyo R/wasaaraha Soomaaliya.