Madaxda iyo ergooyinka ka qeybgalaya Shirka London oo kusii qul qulaya dalka Britain

Waxaa magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska kusii qul qulaya madaxda iyo ergooyinka Soomaalida ee lagu wado in ay ka qeybgalaan shirka London.

Shika London oo loogaga hadli doona arrimo badan oo ku saabsan Soomaaliya ayaa waxaa uu bilaaban doonaa 23-ka bishaan waxaana ka qeybgali doona dhamaan dhinacyada siyaasada Soomaaliya, iyadoo lagu casuumay in ka badan 40 wadan.

Shalay waxaa London ka dagay xubno ay ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta C/qaadir Jaahweyn iyo duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Maantana saacadaha soo aadana waxaa lagu wadaa in ay gaaraan madaxweynaha Soomaaliya, ra’isulwasaaraha, gudoomiyaha baarlamaanka, madaxweynaha Somaliland iyo madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirka London oo sida la sheegay socon doono 4 saacadood ayaa waxaa xooga lagu saari doonaa arrimaha amaanka Soomaaliya, burcad badeeda, dib u dhiska ciidanka dowlada FG-da, Ciidamada AMISOM iyo arrimo muhiim ah oo Soomaaliya quseeya.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa rajo weyn ka qaba shirka London inkastoo ay jiraan dad badan oo ka shakisan isla markaana sheegaya in ay la tahay in ay ka war dhowraan ilaa laga arkayo waxa kasoo baxo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.