Madaxda dowlada oo si taxadar lah hal mowqif ka wada qaatay qilaafka baarlamaanka


Qoraal saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Dowlada KMG Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyey mowqifka ay ka qabaan xil ka qaadisti lagu sameeyey gudoomiyaha baarlamaanka.

Qoraal Saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah na soo gaaray ayaa sidan u qornaa:-

Madaxda Dowladda Soomaaliyeed ayagoo tixgelinaya marxaladda dalku marayo, xaaladda siyaasadeed iyo mida amni. Waxay wadatashi la sameeyeen qaar ka mid ah xubnaha Baarlamanka iyo Beesha caalamka ayagoo tixgelinaya:-

a)    Axdi KMG ah ee Soomaliyeed oo saldhig u ah shuruucda dalka
b)    Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) iyo
c)    Taabagelinta Roadmap-ka

Kadib, markii shaki laga muujiyey:

Qaabkii loo maray kulminta Baarlamanka iyo tirada u codaysay motion-ka

Sidaas awgeed, Madaxda Qaranka Soomaaliyeed ayagoo ixtiraamaya madaxbanaanida Baarlamanka waxay soo jeedinayaan:

a)    In Baarlamanku Shaqeeyo bilaabana kulamdiisa joogtda ahaa si ay u gutaan waajibaadkooda Dastuuriga ah
b)    In la tixgeliyo Marxaladda xasaasiga ah Dalku marayo
c)    In la raaco sharuucda Baarlamanka iyo xeer hoosaadyada
d)    In la dhowro heshiikii Kampala (Kampala Accord)
e)    In la dhowro Axdiga KMG ah ee Soomaaliyeed.

Wixii warar dheeraad kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com