Madaxda dowlada oo qudbad sagootin ah oo tiiraanyo leh ka jeediyey janaasada marxuum C/laahi Yusuf.

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya iyo Ra’isulwasaarihiisa  Sahriif Sheekh Axmed iyo C/wali Maxamed Cali ayaa qudbado xamaasad iyo tiiraanyo xambaarsanaa ka jeediyey munaasabad janaaso lagula tukaday madaxweynihi hore ee Somaliya C/aahi Yusuf Axmed oo meydkiisa la keenay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ra’isulwasaaraha oo qudbada bilaabay ayaa ka hadlay taariikhdi madaxweynaha isaga oo sheegay inuu ahaa nin noloshiisa inteedi badneyd usoo huray u shaqeynta umada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed ayaa qudbad dheer ka jeediyey, isaga oo marka hore ALLE uga baryey marxuumka inuu naxartiistiisa Janno ka waraabiyo, madaxweynaha waxa uu u mahad celiyey dowladaha Yemen iyo Imaaraadka Carabta oo tan iyo sanadki 2004 uu ku noolaa.

Yemen waxa ay siisay magan galyo siyaasadeed marki uu xilka ka dagay, laakin sanadkaan ayaa kasoo tagay oo uu soo dagay dalka Imaaraadka Carabta oo iyana si weyn u marti galisay.

“Marka hore waxaan leeyahay naxariisti Janno ALLA haka waraabiyo geeridu waa xaq waana wax na wada sugaayo, maanta wax ka badan oo aan sameyn karno oo duco aan ka aheyn ma heyno, sidaasi oo kale bani aadan tabasho lagama waayo ee aan iska cafino ILAAHNa u weydiino danbi dhaaf, calaaqaadka aan la lahaa xiligi danbe wuxuu ahaa calaaqaad wanaagsan, inti uu isbitaalka ku jiray telfoonka ayaan kula hadli jiray, waxaan rabaa in aan u mahad celiyo dowladaha Yemen iyo Imaaraadka Carabka, Yemen aad ayey usoo dhaweysya marki hore, Imaaraadkana waxay si gaar ah uga war qabtay inti uu xanuunsanaa, aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo magaca qaranka arintaasi waan ka mahad celinayaa,” yuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin qaran, waxaana uu ugu danbeynti sheegay in gudiga loo xil saaray aaska ay haatan raaci doonaa diyaarada meydka wado, si loogu aaso isla maanta magaalada Gaalkacyo, sidoo kale wuxuu sheegay in dowlada ay bixin doonto deymaha qaran ee uu horay u galay Mr Yuusuf.

“Maanta waa tacsi qaran waxaana u ducoyneynaa walaalkeen, Ilaaheey waxaan ka baryeynaa inuu qabrigiisa waa siciyo, cidi deyn qaran leh waan siineynaa isaga ayaaba ka dardaarmay, Anaga diiwaanka deynta qaran waan heynaa waxaan rajeyneynaa in uusan qof aanan deyn laheyn wax soo doonan,”

Goor dhaw ayaa la filayaa in diyaarada wado meydka madaxweynaha ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.