Madaxda dowlada oo maanta qaabilay qaabilay Jerry Rowlings (Sawiro)

Madaxweyanaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isulwasaarihiisa Cabdiwali Gaas ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Africa ugu qeybsan arrimaha Soomaaliya JJ Rowlings.

Mr Rowlings oo booqashadani u aheyd tii sadexaad oo uu ku imaanayo Muqdisho tan iyo marki xilkaan loo magacaabay ayaa kulan albaabada u laabnaa kula qaatay xarunta madaxtooyada madaxda dowlada, iyaga oo ka wada hadlay xaaladihi ugu danbeeyey ee dalka.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Mr Rowling iyo madaxweyne Shariif ayey kaga hadleen ahmiyada kulankooda, iyo sidoo kale sida ay labada dhinac ugu wada faraxsanyihiin halka ay iminka wax u marayaan dowlada TFG-da iyo ciidanka AMISOM.

JJ Rowlings ayaa sheegay inuu ku faraxsanayahay habka dalka loogu soo dhaweeyey isaga oo si gaar ah ugu mahad celiyey madaxda dowlada, sidoo kale madaxweyne Shariif ayaa isna uga mahad celiyey wakiilka AU-da u qaabilsan Soomaaliya dadaalka uu ugu jiro xalinta dalka.

JJ Rowlings oo sidoo kale ah madaxweynihi hore ee dalka Ghana ayaa lagu tilmaamaa nin ay ka go,antahay sidi guul loogaga gaari lahaa howlgalka nabad ilaalinta ay Midowga Africa ka wadaan Soomaaliya.