Madaxda dowlada oo isku raacay in dhiigooda la daadiyo dadka daga dhismooyinka dowlada hadii ay ka bixi waayaan

Madaxda dowlada KMG Soomaaliya ayaa kulan ay shalay gelinki danbe ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku go,aamiyeen in dhiig lagu daadiyo guryaha iyo dhismooyinka dowlada ee ay mudada 20-ka sano daganyihiin qaar ka mid ah dadka Muqdisho.

Kulan oo ay madaxweynaha, ra’isulwasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka la qaateen gudi isugu jira wasiiro, taliyaal iyo gudoomiyaasha demooyinka gobolka Banaadir loona xil saaray kasoo tala bixinta mashaariic laga fulin doono Muqdisho ayaa la iskula af gartay in mudo 12 cisha ah loo qabto dadka dagan guryaha dowlada.

Hadalki ugu kululaa waxaa jeediyey wasiirka arrimaha oo madaxda dowlada ka codsaday in dhiig lagu daadiyo xarumaha xooga lagu heysto hadii dadka ay ka bixi waayaan, sidoo kale wuxuu dalbaday in mudada loo qabtay dadkaasi hadii ay guryaha uga bixi waayaan in xoog loogaga saaro.
“Waxaan rabaa inaan u cadeeyo madaxweynaha iyo dhamaan dowlada, in aysan jirin wax kale oo dhiman kaliyah in aan la dagaalano, waxaan rabaa maanta in aan go,aan wada jir ah ka qaadano oo aan si wada jir ah garbaha isu qabsano oo uu guryaha dhiig ku daato si ay uga baxaan dadka,” auu yiri C/samad Macalin Maxamuud.

Dhanka kale wuxuu ka digay in dadka ku jiro dhismooyinka dowlada qaarkiis ay adeegsadaan hub iyo dagaal iyo wixi la mid ah, isaga oo ugu goodiyey in ay magaalada Muqdisho ay xoog uga saareen Al Shabab oo ah quwad weyn sida uu hadalka u dhigay.

“Waxyaabaha caadada noqday ayaa in dadka qaarkiis ay qorya soo qaataan marka ka baxa la dhaho guryaha, waxaad ogaataan in aan magaalada ka saarnay dad idinka xog badan oo ahaa kooxda Al Shabab, nimanka hor taagan iskool dad loo dhisayo ama isbitaal dad loo dhisayo wax aan u reebaneyno ma lahan waa shaqsiyaad dantooda wato,”  ayuu yiri wasiirka.

Dowlada KMG ayaa dhowr jeer oo hore ka codsaday dadka dagan xarumaha dowlada in ay ka baxaan, hase yeeshee arintaan ayaa soo shaac baxday kadib marki mashaariic ay dowlada Turkiga ka fulin rabto Muqdisho gaar ahaan iskuulada qaarkood ay is hortaageen dad sheeganaya in iyaga ay taabsadeen.

Tan iyo bur burki dowladi hore ee Soomaaliya, waxaa dadka ay si sharci darro ah u dageen dhismooyinki dowlada iyo xarumaha ka dhaxeeya dadweynaha, sidoo kale waxaa jira guryo ay dad gaar ah leeyihiin oo xoog lagu daganyahay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.