Madaxda dowlada oo hambalyo u diray ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya

Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’isulwasaare C/wali Maxamed Cali ayaa u diray ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed hambalyo ku aadan sanad guurada aas aaska ciidanka ee 52-aad.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday Xeebta Liido oo si weyna loo soo agaasimay ayey ciidanka milatariga kusoo bandhigeen gaado ka ciyaar iyaga oo salaan siiyey madaxda dowlada.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay ciidanka doorki ay ka qaateen guulihi ay ka gaareen qabsashada magaalada Mudisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka, waxa kale oo uu soo qaatay kaalinta ay iminka ku leeyihiin howlgalada ay iminka ka wadaan gobolada qaar oo ay kula dagaalamayaan Xarakada Al Shabaab.

Ra’isulwasaare C/wali oo isna qudbad dheer goobta ka jeediyey ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in uu goob joog u ahaado xuska maanta, isaga oo ALLE uga baryey dhamaan taliska ciidanka ilaa dablayaasha in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo.

Xaflada dadki ka hadlay waxaa ka mid ahaa, wasiirka gaashaandhiga, Xuseen Carab Ciise, taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliye, C/qadir Sheekh Cali Diini iyo madax kale.
Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la aas aasay 12-ki April sanadki 1960-ki, maanta oo ay taariikhda ku beegantahay 23-April ayey ciidanka u dabaal dageen sababo la xiriira xaga amniga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.