Madaxda doowlada Soomaaliya oo soo dhaweeyay guusha Uhuru Kenyata

Madaxda doowlada Soomaaliya ugu sareeysa sida madaxweynaha iyo R/wasaaraha, ayaa si isku mid ah ugu hanbalyeeyay madaxweynaha cusub oo ay doorteen shacabka Kenya Uhuru Kenyata, kaasoo shalay si rasmi ah gudiga doorashooyinka Kenya ay shaaciyeen inuu ku guuleeystay doorashadii wadankaas ka dhacday.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, wuxuuna ugu baaqay in la muujiyo xasilnaan iyo deganaasho.

Madaxweynaha oo hadalkaas ka sheegay xaruntiisa Muqdisho ee Villa Soomaaliya wuxuu yiri “ Iyada oo dad aad u farabadan oo lagu qiyaasay 85%oo shacabka reer Kenya ah ay fursad u heleen in ay doortaan masuulkiii hogaamin lahaa waxaan u hambalyeeynayaa shacabka reer Kenya sida ay waajibaadkooda wadaninimo u guteen oo ay u codeeyeen, doorashada, waxaana xusid mudan sida nabadgelyada ay ku dheehan tahay oo ay doorashadu u dhacday”

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliya ayaa u hambalyeeynayaan Mudane Uhuru Kenyatta oo loo doortay Madaweynaha cusub ee Kenya, waxaana diyaar u nahay in aan si wadno xiriirka xoogan ee ka dhaxeeya labadeena dal”

Madaxweynaha oo hambalyadiisa diiran sii wada ayaa waxa uu raaciyey

“Waxaan aaminsanahay in dhammaan shacabka Kenya ay si nabad ku jirto ay uga jawaabi doonaan natiijada doorashada, Hadii ay jirto dareen dhab ah oo la xiriira khilaaf waa in loo maraa wadada sharciga, si mar kale ay u dhicin khaladaadkii horay u dhacay”

Dhanka kale R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa si diiran u soo dhaweeyay doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday dalka Kenya taas oo uu ku guuleystay Ohuro Kenyata.

R/wasaaraha ayaa hadalkan ka jeediyay xilli maanta warfidiyeenada uu  kula hadlayay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxa uuna yiri “Aniga oo ku hadlaya magaca dowladda Soomaaliyeed waxa aan soo dhaweynayaa madaxweynaha Cusub ee Kenya Uhuro Kenyata.

Dalka Kenya ayaa waxaa afartii bishan looga dareeray doorashada madaxda sare ee dalkaasi taas oo ay kuu tartamayeen 8 musharax oo uu ku jiray R/wasaaraha dalkaasi Ra’ila Odhinga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here