Madaxda DFS oo la kulmay wakiilka midowga Afrika Annadif

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya  Ambassador Mahamat Saleh Annadif  ayaa wadahadal uu la yeeshay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Shikh Maxamuud iyo Raysalwasaare Sacaadi kala hadlay xaalada magaalada Kismaayo.

Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo ciidamada AMISOM ka shaqeenayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen gargaarka loo fidinayo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo ay dhibaatada soo gaareen.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay heegan ugu jiraan sidii ay dowlada Soomaaliya kala qeyb qaadan lahaayeen sugida amaanka dhamaan deegaanada loo xilsaaray AMISOM inay ka hawlgasho.

Ambassador Mahamat Saleh ayaa sheegay in markale uu ku celinayo in xaalada magaalada Kismaayo xal nabadeed oo siyaasad ah laga gaaro isla markaana ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo ay gargaar caafimaad iyo mid bini’aadamnimo u fidiyeen dhamaan dhaawacyada dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Kismaayo.

Markii uu soo gabagaboobay kulanka madaxda dowladda Soomaaliya iyo wakiilka gaarka ah ee ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna taliyaha guud ee ciidamada AMISOM  ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali,wuxuuna sheegay in kulanka looga wada hadlay sidii ciidamada AMISOM aysan ugu lug yeelan arimo ka baxsan hawsha loo xilsaaray ee ah nabad ilaalinta.

Ridwaan ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay u sheegeen Maxamed Saalax Annadif iney muhim tahay in ciidamada AMISOM ay ogaadaan waxa ay hawshoodu tahay isla markaane aysan faraha la galin arimo kale oo ka baxsan,afhayeenka ayaa sheegay in Wakiilka Midowga Afrika ee arimaha Soomaaliya uu ballan qaaday in AMISOM  ay dhexdhexaad ka noqon doonaan arimaha dalka ka jira.

Wuxuuna sheegay in masuuliyadda ciidanka AMISOM ay tahay sidii ay dowladda federaalka Soomaaliya ugala shaqayn lahaayeen soo celinta amniga Soomaaliya,isla markaane ay ugu shaqayn lahaayeen rabitaanka dowladda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here