Madaxda amaanka Kenya oo loogu baaqay ineey is-casilaan

201679636036256629335567stepicSharci yaqaano, siyaasiyiin iyo dadka difaaca xaquuqul insaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in Wasiirka Arimaha Gudaha Joseph Nkaissery, madaxa booliska Joseph Boinnet iyo ku-xigeenka madaxa laanta maamulka ee booliska Mr. Samuel Arachi ay is casilaan.

Arintaa ayaa waxaa aad usii huriyay ayadoo cabashada noocaa ah ay horeyba u jidhay in dhawaan la dilay nin sharci yaqaan ahaa oo la oran jiray Willie Kimani, nin tagsi ku waday iyo nin uu u doodayay ninkaa sharci yaqaanka ah.

Waxaa farta lagu goday biliiska oo la sheegay inay jirdileen dabadeedna khaarajiyeen dadkaa bishii lasoo dhaafay ee Juun.

Haatan ayaa arinkaa waxaa loo soo qabtay afar booliska ka tirsan, waa arinkaa kusaabsan dilka loo geystay dadkaa uu ka midka ahaa sharci yaqaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here