Madaxda Africa oo toddobaadkan u dabaal dagaya 50-sanno guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ururka midowga Africa

Waxaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ka billowday toddobaadkan xuska 50-sanno guuradii ka soo wareegtay markii laa aasaasay ururka minnimada Africa OAU oo hadda u xuubsiibtay AU midowga Africa.

Ururkan ayaa la dhisay sannadkii 1963-dii, waxaana loo dhisay siddii uu mideen lahaa qaaradda Africa, waxaana waddamada ajandaha lagu dhisay ururkan doorway ku lahaa Soomaaliya.

Haddaba ururkan intii uu jiray wuxuu ku tallaabsaday guulo badan oo loo arkay in ay yihiin kuwa horrumar u keenay qaaradda Africa.

Hoggaamiyihii horre Libya Koneel Qadaafi ayaa dhowr jeer ku taamay in qaaradda la mideeyo oo loona sameeyo hal maamul, hindisahaas in kastoo uu dedaal badan galiyay Qadaafi haddana ma noqon mid hirgalay.

Qadaafi sannadkii 2011-ka ayuu ku baxay kacdoonkii looga soo horjeeday xukunkiisii 40-sanno qaatay oo kacdoon xooggan ayuu la kulmay.

Waxaa kaloo dhaliilaha ku dahaaran midowga Africa ka mid ah in aysan waxbo ka qaban siddii maxkamadda dambiyada caalamiga ICC ee ku taalla Height Netherlands ay ugu tartarsiin lahaayeen sidii maxkamadda ay cadaalad u noqon lahayd. Waayo dad badan ayaa leh maxkamadda waxaa loo muday uun madaxda Africa ama dadka ka soo jeeda qaarada in la soo taago waayo ilaa hadda lama arkin hoggaamiye reer galbeed ah oo maxkamadda ay soo qabtay.

Arrintan waa qorshayaasha ugu mihiimsan ee horyaalla madaxda qaaradda siddii ay wax uga qaban lahaayeen, in kastoo ay lee yihiin dad badan ma ahan mid hadda hirgali karta sababa jira ogeyd.

Ururkan muddada uu jiray wax yaabaha ay ku tallaabsatay waxaa ka mid ah in ay heleen ciidamo cudud leh oo loo diro dalalka mashaakilaadka ay ka jiraan ee ku yaalla gobalka,waxaana ka mid ah waddamadaas Soomaaliya.

Uganda, Burundi, Djibouti, Kenya, Ethiopia iyo Sierra Leone ayaa hadda ciidamo ay ka joogaan dalka ay dagaalada halakeeyeen ee Soomaaliya, waxaa kaloo jira ciidamo loo diray waddamada Jamhuuriyda dimuquraadiga Kongo iyo gobalka Darfur ee dalka Sudan.

Si kastaba, dad badan oo odarasa xaaladda qaaradda waxa ay lee yihiin ururka weli halka laga filaayay iyo kaalinta laga rabay intaba magaarin, taasina waxa ay ahayd warbixin uu idiin diyaariyay Shabakada Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here