Madaxa wararka Radio Shabelle oo caawa ka badbaaday isku day dil

Madaxa wararka Radio Shabelle Muxyidiin Xasan Maxamed (Xusni) ayaa caawa ka badbaaday isku day dil kadib marki ay kooxo ku hubeesnaa bistoolado ay dhowr xabadood la gafeen.

Laba nin oo ku hubeesnaa bistoolado ayaa ku weeraray Muxyidiin Xusni degmada Wadajir wax yar kadib salaada maqrib isaga oo xiligaasi marayey jidka laamiga ah ee hor mara Shaleemo Muqdisho.

Sida uu saxafigaan sheegay, labada nin ayaa labada dhinac kasoo maray (horay iyo gadaal) kadibna rasaas ku furay, waxaase nasiib wanaag u suura gashay inuu ka cararo inkasta uu dhaawac fudud kasoo gaaray naaska korkiisa.

“Waxay aheyd maqribki, waxaan usii socday gurigeyga waxaana aniga oo maraya laamiga agagaarka Shaleemo Muqdisho iga soo hor baxay laba nin, mid gadaal buu iga maray  ka kalana horay, aniga kama aanan shakin laakin marki aan arkay mid ka mid ah oo bistoolad lasoo baxayo ayaan dhexdooda ka baxay, ninka iga danbeeyey ayaa rasaas kor u riday, inti aan cararay marna waan gabanayey marna waan ordayey rasaasta inteeda badana korkeyga ayey martay mar aan dhulka fadhiistay, nasiib wanaag waxaa iga reebay ilaalada gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci, kadib guriga gudoomiyaha ayaa la i geeyey kadibna gaarigiisa qaaska ah ayaa la igu soo qaaday oo la igu keenay xarunta idaacada Shabelle,” ayuu yiri Muxyidiin Xusni oo wareysi siiyey Radio Shabelle oo ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho.

Ragi weerarkaasi fuliyey ayaa u baxsaday dhinaca xaafada nasteexo oo ah halki ay u carareen dableydi horay u dishay agaasimihi hore ee Shabelle Xasan Fantastic iyo agaasimihi hore ee Somaliweyn Abukar Kadaf.