Madaxda labada Sudan oo maanta ku kulmaya Ethiopia

Hogaamiyaasha dalaka Sudan iyo South Sudan ayaa maanta ku kulmaya dalka Ethiopia iyaga oo ka wada hadli doona muranka ku saabsan xuduuda iyo macdanta.

Waxaa la filayaa in labada dal ee deriska ah ay kala saxiixdaan heshiis lagu soo afjarayo colaada u dhaxeeysa ee qatarta ku ah xasiloonida labada shacab.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa ku baaqay wada shaqeyn iyo wadahadalo miradhal ah, halka Mareykanka uu leeyahay Sudan waa in ay aqbashaa xuduuda uu dhigay Midowga Africa ee ay mar hore saxiixday South Sudan.

Muranka ku saleysan saliida iyo xuduuda waxa uu keenay in dagaal cusub uu dhex maro labada dhinac, walow marki danbe arinta la qaboojiyey.

Qaramada Midoobay ayaa ugu hanjabtay labada dhinac in ay saari doonto cunaqabateyn hadii wada hadalada ay kasoo bixi wayaan is fahan iyo heshiis.

Madaxweyne Omar al-Bashir iyo dhigiisa South Sudan Salva Kiir, ayaa xooga saari doono xalinta qilaafaadka labada dal marka ay maanta isku arkaan magaalada Addis Ababa.

Arinta ugu weyn ayaa ah calaamadeynta xadka, iyadoo South Sudan ay reer Galbeedka iyo Midowga Africa u calaamadeeyeen soohdin weyn oo ay Sudan leedahay taasi oo gani ku ah saliida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here