Madaxa ciidamada AMISOM Andrew Gutti oo booqasho kujooga Hiiraan{Sawiro}

Madaxa ciidamada AMISOM Gen. Andrew Gutti ayaa shalay waxa uu booqasho markii ugu horeesay ku tagay magaalada B/weyne oo 332 km dhanka koofureed kaxigta caasimada Muqdisho halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada Jabuti qaybtana ka ah howlgalka AMISOM ee

Wafdiga ayaa la soo sheegayaa markii ay gaareen magaalada inay la kulamo la qaateen saraakiisha ciidamada AMISOM ee halkaas jooga iyo kuwa Ethiopia iyo maamulka Dowladda ee ka arrimiya magaalada Beledweyne.

Markii uu kulanka soo dhammaaday ayaa wuxu taliyaha ciidamada AMISOM shir jaraa’id u qabtay war-baahinta wuxuuna sheegay in kulanka looga hadlay siddii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya AMISOM iyo maamulka dowladda ee magaalada Beladweyne.

Wuxu kaloo sheegay Mr. Gutti in magaalada hadda ay joogaan ciidamo ka socda AMISOM gaar ahaan kuwa Djibouti oo la soo dhameestiray.

Wuxuu shaaciyay AMISOM in uu qorshaha ugu jiray siddii howlgalkooda loogu ballaarin lahaa gobalada dalka sida Beledweyne.

Wuxuu dar-daaran siiyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo sheegay in looga baahan yahay in ay ka wada-shaqeyaan ammaanka guud ahaan magaalada Beledweyne.

Waa markii ugu horreysay oo uu taliyaha AMISOM booqdo magaalada Beledweyne ee xarunta G/Hiiran tan iyo  markii ciidanka AMISOM halkaas gaareen.

Magaalada Beledweyne waxa hadda ku sugan ciidamo gaaraya 850-askari kuwaasoo ka socda waddanka Djabuti, waxana ay hoostagaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada Djabuti ee halkaas jooga ayaa dhowaan  la wareegay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Ethiopia kuwaasoo hadda ku sugan deegganka Janta-Kuundisho oo dhow km u jirta magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here