Madax katirsan Dawlada Jabuuti oo Gaaray Magaalada Baladweyne

Wafdiga ka socday Dawlada Jabuuti ee Somaliya xiriirka Wanaagsan leeyihiin ayaa waxa hogaaminayey wasiirka wasaaradda gaashandhiga Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil,waxaana wafdigiisa ku jiray Amaan-duulaha ciidamada xoogga dalkaasi Jabuuti iyo Xubno kale.

Diyaarada waday wafdigaasi ayaa waxa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ee Ugaas Khaliif Airport iyadoo halkaasi salaan sharaf ciidamada jabuuti ku siiyeen wafdiga dalkooda ka socday.

Intaas kadib ayaa waxa loo gudbiyey wafdiga ka socday dawlada jabuuti xerada ugu weyn ciidamada jabuuti ku leeyihiin magaalada Baladweyne ee Deegaanka Ceel jaalle ku taalla.

Sakariye Sheekh Ibraahin oo ah amaan-duulaha ciidamada Jabuuti ayaa hadal kooban ujeediyey ciidamada dalkiisa ka socda ayaa waxa uu sheegay inay ku dadaalaan nabad kusoo celinta dalka somaliya oo hadafkii loo keenay ay tahay garabsiinta walaalaha somaliyaad.

Taliyaha hay’adda nabad sugida Qaranka Jabuuti Xasan Saciid ayaa isna halkaasi kula hadlay ciidamada jabuuti isagoona ugu hambalyey shaqada adah ay ciidamada waddankiisa ka hayaan dalkan somaliya. 

Wafdigaan ayaa lagu wadaa in dhawaan kulan la qaadan doonaan hogaanka ciidamada jabuuti ee kusugan waddanka Somaliya oo qeyb ka mid ah ciidamadaasi kusugan yihiin magaalada Baladweyne.

Wasiirka wasaaradda gaashandhiga Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil ayaa waxa uu sheegay inay ballaarin doonaan khibrada ay ka heleen ciidamada kale ee kusugan magaalada muqdisho si looga gaashaanto dagaal kaga yimaada al shabaabka Somalia.

Wixii kasoo kordha wafdigaasi ka socda Dawlada Jabuuti ee kusugan magaalada Baladweyne dib kala soco insha allah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here