Madax ka tirsan maamulka dakada Muqdisho oo la xakumay

Maxkamada sare ee dowlada ayaa maanta xakuno ku riday laba mas,uul oo ka tirsan dowlada.

Labadani nin oo midkiiba lagu xakumay min hal sano iyo lix bilood ayaa kala ah Cabdirasaq Cabdulahi Guhaad oo ahaa taliyihi waaxda canshuuraha dakada iyo kormeeraha guud ee dakada ninka la yiraahdo Aadan Maxamed Xasan.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dowlada KMG, Mr Ceydiid Ilkaxanaf oo shir jaraa,id galabta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay qirteen danbiga ah in ay fududeeyeen alaabo laga xaday baqaarada Dakada.

Alaabtaasi oo aheyd afar soolar oo ay laheyd Hey’ada Cunnada Aduunka ee WFP ayaa waxaa la sheegay in ay xadeen shaqaalo ka tirsanaa dakada kuwaasi oo aanan wali gacanta lagu soo dhigin.

Sidoo kale gudoomiyaha maxkamada sare, Caydiid Ilkaxanaf ayaa ugu baaqay hey’adaha amaanka ee dowlada in ay gacanta kusoo dhigaan ragi qaatay alaabtaasi oo uu ku sheegay in ay ku suganyihiin gudaha magaalada Muqdisho.

Maxkamada sare ee dowlada ayaanan bilooyinki ugu danbeeyey laga maqlin wax xakuno ah, inta badan xakunada dhagaha shacabka Muqdisho soo gaarayey waxay ka imaanayeen dhinaca maxkamada ciidanka qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com