Madaafiicdi xalay lagu garaacay agagaarka Madaxtooyada oo la ogaaday halka laga tuuray

Dadka xaafada Geed Jaceyl ee degmada Wardhiigleey ayaa xaqiijiyey in madaafiicdi xalay lagu weeraray xaafadadaha u dhaw dhaw madaxtooyada ee degmada Wardhiigleey laga tuuray xaafadooda.

Qaar ka mid ah dadka xaafada oo diiday in magacooda lasoo xigto ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay aag ka xirten qeybo ka mid ah xaafadooda kadibna ay hoobiye rakibteen kuna tuureen dhanka madaxtooyada.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay lix ruux oo rayid ah oo dhamaantood ahaa dad barakac ah oo ku noolaa xero ku taalo agagaarka madaxtooyada.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi iyaga oo intaasi raaciyey in ay ku dileen ilaa iyo 5 askari oo ka tirsan ciidamada Amisom.

Afhayeenka Amisom, Pady Ankunda oo arintaasi ka hadlay ayaa beeniyey, waxaana uu sheegashooda ku tilmaamay mid waxba kma jiraan ah.

Weerarki ay Shabaab ku qaadeen degmada Wardhiigleey ayaa muujiyey sida ay Shabaab wali u awoodaan in ay magaalada Muqdisho weerar ka fuliyaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.