Madaafiic xaley lagu garaacay Muqdisho

madaafiicHabeenkii xaley waxaa magaalada Muqdisho laga maqlay madaafiic xooggan kuwaasoo ku dhacay degmooyinka qaar ee magaalada.

Goobaha madaafiicda ay ku dhaceen waxaa ka mid ah, Warta Nabadda, Xamarweyne, Shangaani, Hodan iyo Yaaqshid.

Sidoo kale, waxaa madaafiicda lagu garacaay xarunta madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo laga maamulo dowladda Soomaaliya.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay, balse waxaa la sheegayaa in madaafiicda xaley ay aad uga badnaayeen kuwii ka dhacayay habeenidii la soo dhaafay.

Lama oga khasaaraha ay geesteen madaafiicda xaley laga maqlay degmooyinka magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here