Madaafiic xalay mar kale lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada

Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa xalay mar kale madaafiic ku duqeeyey xarunta madaxtooyada Villa Somalia habeenki labaad oo xiriir ah, iyada oo madaafiicdana laga soo tuurayo gudaha Muqdisho.

Habeen hore ayey aheyd marki duqeyn ay ku dhinteen 6 ruux lagu garaacay xaafado u dhaw dhawa madaxtooyada, xalayna ku dhawaad 10 madfac oo kuwa hoobiyaha loo yaqaano ah ayaa lagu tuuray madaxtooyada iyo meelaha u dhaw dhaw.

Wararka ayaa sheegaya in laba ka mid ah madaafiicda ay gudaha ugu dhaceen madaxtooyada, iyadoo aanan la soo sheegin qasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi.

Mid ka mid ah ayaa ku habsaday inta u dhaxeyso guriga gudoomiyaha baarlamaanka Sharif Xasan iyo aqalma madaxeynaha Sheekh Shariif, waxaana arintaan ay muujineysaa sida ay Shabaab wali qatar ugu yihiin amaanka caasimada.

Duqeynti habeen hore ayey dadku sheegayaan in laga soo tuuray xaafadaha u dhaw dhaw Bakaaraha, sida Geed Jaceyl iyo Xamar Jadiid, hase yeeshee xalay madaafiicda waxay dadku sheegayaan in laga soo tuuray xaafada Maxamuud Xarbi ee degmada Wardhiigleey.

Dowlada KMG Soomaaliya ayaanan wali si sax ah uga hadlin duqeymaha lagu hayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo dowladuna ku dhawaaqay in amaanka Muqdisho ay gacant ku dhigtay.

Al Shabaab ayaa sheegtay duqeymahaasi, waxaana hadal laga baahiyey warbaahinta ku hadasho codkeeda lagu sheegay in duqeymihi xalay lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.