Madaafiic waaga ugu beryey degmada Deyniile iyo wadada Muqdisho iyo Afgoye oo xiran

Duqeymo xoog leh ayaa xalay ilaa saaka ku dhacayay deegaanada duleedka ka ah magaalada Muqdisho iyadoo madaafiicdaasin ay bilowdeen saqdii dhexe ee xalay.

Madaafiicdan ayaa goobaha lagu garaacayay waxaa ka mid ah ah
degmada Dayniile oo qeyb ka mid ah ay Shabaab ku sugan yihiin. Siinka Dheer, KM13 iyo Garasbaaley,

Lama oga illaa iyo hadda qasaaraha ka dhashay duqeyntan xalay ka soo cusboonaatay magaalada Muqdisho.

Hase yeeshee waxaa laga dareemayaa xiisado colaadeed dhinaca koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo faro badan oo isugu jira kuwo AMISOM iyo
kuwa DKGaarka ah oo si xoog leh u hubeysan ayaa lagu arkayaa daafaha magaalada ee dhinaca koonfureed iyo weliba dhinaca galbeed ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dagaalahano ururka Alshabaab ka mid ah ayaa lagu arkayaa deegaanada loo barakacay iyagoo dhufeysyo halkaa ka qotay.

Guud ahaanba dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka ayaa hakad ku yimid wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgoye iyadoo wadadaas ay hore u ahayd mid aan u mashquul ah gaadiid faro badana ay isticmaalaan,

Dadweyne faro badan oo iyagu ku sii haray deegaanada loo barakacay ayaa
saaka waaberigii ka cararay halkii ay degenayayeen iyagoo u barakacay mar kale degmada Afgoye iyo deegaanada u dhow dhow kadib markii xiisada dagaalka ay cirka isku shareertay ayna soo baxeen warar sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay doonayaan in ay gaaraan degmada Afgoye iyo qeyno kale o kamid ah gobolka Sh/hoose.