Madaafiic lagu garaacay xaafada Kax-Shiiqaal

Madaafiic dhowr ah ayaa saakay ku dhacday qeybo ka mid ah xaafada Kaxd-Shiiqaal ee duleedka degmada Dharkeenleey.

Duqeynta oo bilaabatay saakay abaaro 6:00 ayaanan la ogeyn waxa sababay, waxaase la xaqiijiyey in ay la beegsadeen ciidamada AMISOM.

Kaxda ayaa waxaa shalay dagaal kasoo qaaday Al Shabaab oo inta badan kasoo galo marka ay soo weerarayaan fariisimaha ciidamada dowlada ay ku leeyihiin xaafada Xoosh.

Sadex ruux oo dhamaantood dumar ahaa ayaa ku dhaawacmay waxaana ku jirtay haweeneey xaamilo aheyd sida sheegay Maxamed Ismaacil oo ka mid ah dadka deegaanka.

“Madaafiicda waxa saakay lagu garaacay saakay waabarigi Kaxda, iyadoo ay jirto wal walki dagaalki shalay ayaa nala garaacay waxaa ku dhaawacmay sadex dumar ah oo midi ay xaamilo aheyd,” ayuu yiri Maxamed Ismaaciil.

Deegaanka Kaxda ayaa ka mid ah deegaanada loo barakacay, waxaana uu ku dhawaad 8-km u jiraa dhanka Koonfur Galbeed degmada Dharkeenleey.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.