Madaafiic lagu garaacay degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Duqeyn xoog leh ayaa xalay loo geystey degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo kadib markii ay weerareen ciidamo ka tirsan ururka Alshabaab.

Duqeynta ayaa dhacday kadib markii iskahorimaad uu ku dhex maray magaalada ciidamada soo weeraray iyo ciidamadii dowlada ee hore ugu sugnaa degmada Garbahaarey.

Illaa iyo hadda lama oga qasaaraha ka dhashay iskahorimaadkan iyo duqeyntaba. Waxaana wararka ay sheegayaan in madaafiic badan ay ku dhacday isbitaalka magaalada Garbahaarey halkaa oo burbur xoogan ka dhashay.

Guddoomiyaha degmada Garbahaarey Imaam Caddow ayaa sheegay in ay dib u caabiyeen ciidamadii soo weeraray ayna qasaare xoog leh gaarsiiyeen.

Waxana uu guddoomiyuhu intaa ku daray in duqeyntii xalay ka dhacday Garbahaarey ay burbur u geysatay masjidka ugu weyn magaaladaas.

Ma aha markii ugu horeysey ee ciidamada ururka Alshabaab ay weerar kedis ah ku soo qaadaan degmada Garbahaarey hase yeeshee weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli shalay gelinkii dambe dayuurado ay gantaallo ku rideen degmaga Buurdhuubo oo ay gacanta ku  hayso ururka Alshabaab.