Madaafiic iyo duqeymo xiligaan ka socda inta u dhaxeyso Carbiska iyo Afgooye

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in haatan laga maqlayo madaafiic iyo rasaas ay Shabaab iyo ciidanka dowlada isku weydaarsanayaan inta u dhaxeyso Carbiska iyo Afgooye.

Xaafada Sagaalaadka ee degmada Afgooye ayaa la sheegayaa in ay ku dhaceen dhowr madfac oo laga soo tuuray deegaanka Carbiska, waxa la leeyahay Shabaab ayaa hoobiyaal ka tuuray Afgooye.

Ma cada qasaaraha ka dhashay duqeymahaasi waxaana wali la maqlayaa rasaas ka dhaceyso koontaroolka Baar Ismaaciil.

Dhanka kale ciidamada dowlada ayaa gudaha u galay marki ugu horeysay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Carbiska oo ay awal ka joogeen daafaha.

Ciidanka dowlada waxay kusii siqayaan wali Afgooye waxaana laga yaabaa in saacadaha soo aadan ay galaan.
Wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danba.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.